Mas’uuliyiin ka socda Turkiga oo gaaray Boosaaso xili ay taagan tahay arrinta markabka Sea World

Image

BOOSAASO — Mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa Axaddii gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaas oo lagu hayo markab siday hub iyo gaadiid dagaal oo lagu magacaabo Sea World, sida ay sheegeen saraakiil maxalli ah.

Markabka ayaa laga qabtay xeebaha Raas-Casayr, wuxuuna ka soo shiraacday dekedda Izmir ee dalka Turkiga isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho. Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka uu sito shixnado hub ah, islamarkaana baaritaankiisu socdo.

Wafdiga Turkiga ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso, si looga wada hadlo xaaladda markabka iyo cida saxda ah ee iska leh hubka iyo gaadiidka saaran.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ganacsato reer Muqdisho ah iyo safiirka Turkiga ee Muqdisho ay sheegayeen in ay leeyihiin shixnadaha, taas oo dhalisay shaki iyo su’aalo la xiriira sharciyadda hubka iyo ujeeddada loo waday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in hubka uu iyada u socday, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Turkiga oo si cad u qeexaya milkiyadda hubka la qabtay.

Puntland ayaa horey u muujisay walaac ku saabsan hub sharci-darro ah oo la sheegayo in loo soo daabulayo qeybo ka mid ah dalka, xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya maamulkeeda iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM