Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Image

MUQDISHO – Ciidamada Difaaca Masar ayaa go'aamisay inay degto dhowr saldhig oo istiraatiiji ah gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay qorsheynayaan in ay ka hawlgalaan ciidamadeeda qeybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Joogitaanka ciidamada Masar ayaa helay falcelin kala duwan, iyadoo dowladda Itoobiya ay ka muuqatay walwal ku saabsan sida ay u saameyn karto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Masar ayaa ku biiraysa dowladaha Itoobiya, Uganda, Burundi, Jabuuti, iyo Kenya ee ka hawlgala howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo AUSSOM dhowaan hoos u dhigtay tirada ciidamada shisheeye, islamarkaana ku dhiirrigelisay ciidanka maxaliga ah inay amniga dalka la wareegaan.

Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay ka digayaan in dowladda Soomaaliya aysan weli awood buuxda u lahayn la dagaalanka Al-Shabaab, kuwaas oo marar badan weeraro ku qaaday saldhigyo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM