Maxaa ka taqaan Taariikh Nololeedka Axmed Saleebaan Dafle?

Image

Brussels – Allaha u naxariistee, Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle), ayaa shalay oo ahayd 10-kii Abriil 2025 ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Belgium, isaga oo 88 jir ahaa.

Axmed Saleebaan Dafle wuxuu ahaa sarkaal sare iyo siyaasi si weyn looga yaqaanay Soomaaliya, gaar ahaan xilligii dowladdii milateriga ahayd ee uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu sidoo kale ahaa soddogga Siyaad Barre.

Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco sanadkii 1937. Waxbarashadiisii hore kadib, wuxuu macallin ka noqday dugsiga Camuud sanadkii 1958. Sanadkii 1971, waxaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NSS), xil muhiim ah oo uu hayey sanado badan, isagoo sidoo kale noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo xubin ka tirsanaa Guddiga Sare ee Siyaasadda.

Dowladdii uu ka tirsanaa Axmed Saleebaan Dafle waxay dalka xukuntay muddo 21 sano ah (1969–1991), iyadoo lagu tilmaamay xukun kaligii-talisnimo ah. Inkasta oo Dafle uu ka tirsanaa dowladdaas, haddana waxaa jiray eedeymo la xiriiray dowladaas xilligii ay talada haysay – balse eedeymahaas si gaar ah looma saarin isaga.

Kadib burburkii xukunkii Siyaad Barre, Axmed Saleebaan Dafle ma gelin wax siyaasadda la xiriira, waxaana uu ahaa odey si weyn u danayn jiray dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed ee burburey. Inkasta oo uu ka fogaaday masraxa siyaasadda, haddana wuxuu ahaa shaqsi ay dad badan xusuusan jireen doorkiisii dowladeed.

Allaha u naxariisto Sareeye Guuto Axmed Saleebaan Dafle. Jannatul Firdowsa Allah ha ka waraabiyo.

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM