Maxaa sababay in Fahad iyo Farmaajo dhabarka isku-aadiyaan?

Image
Illo xog-ogaal ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in labada mas'uul ay isku-maan-dhaafeen qadiyad xasaasi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbaheysigii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay madaxwaynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Lataliyihii hore Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Daahir ayaa soo dhamaaday.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in burburka ku yimid isbaheysiga labada dhinac uu ka dambeeyay markii ay isku-maan-dhaafeen qadiyadda doorashada Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahad uu ku adkeystay in kooxda ay dhisto Axmed Cabdi Kaariye [QoorQoor] hase ahaatee waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay Farmaajo oo diidey in QoorQoor uu kursiga kusoo laabto.

"Markii ay xaajada meeshaas gaartey, Fahad Yaasiin ayaa waxa uu madasha ka sheegay inuu la laabanayo latashi," ayay raaciyeen illo wareedyadda. "Markaas kadib waxaa laga war helay warqadii uu xalay soo saarey".

Dhanka kale, Fahad iyo Farmaajo ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay isku-qabteen cidda jiheynaysa siyaasadda kooxdooda siyaasadeed maadaama dalka uu haatan ku sugan yahay kala guur siyaasadeed oo xooggan.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan kala guurka ku yimid xiriirkii iyo wadashaqeyntii Farmaajo iyo Fahad uu saameyn badan ku yeelan doono jihada siyaasadda iyo doorashadda soo aadan ee Soomaaliya.

"Dad badan waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu wax ku waayay Fahad Yaasiin dartiisa. Laakiin lagama sii horudhici karo cawaaqibka ka dhalan karta kala tagga labadooda iyo cidda ku faa'iidi doonta," ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Sikastaba ha ahaatee, kala tagga Fahad iyo Farmaajo ayaa sawir guud waxa uu ka bixinayaa sidda saaxiibtinimada siyaasadda Soomaaliya aysan mar walba u lahayn mid waareysa xataa haddii wax walba isla ogolaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM