Maxaa sababay Kororka Tirada ardayda galaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland ?
Garoowe, Puntland – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in tirada ardayda sanadkan 2025 u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad ay gaartay 23,768 arday, taasoo muujinaysa koror dhan 9.61% marka la barbar dhigo tiradii sanadkii hore.
Sannadkii hore ee 2024, tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka fasaladaas waxay ahayd 21,685 arday, halka sanadkan 2025 ay korodhay 2,083 arday. Kororkani wuxuu muujinayaa dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada ay ku horumarinayso tayada waxbarashada iyo helitaanka fursado waxbarasho oo loo siman yahay guud ahaan deegaanada Puntland.
Waxay ardayda Maanta u fariisteen Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ka dhacaya 151 xarumood oo ku yaal 33 degmo. Madaxweyne kux-igeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daah-furay Maanta Imtixaanta mideysan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kororka tirada ardayda imtixaanka u fariisatay uu caddeyn u yahay kalsoonida sii kordheysa ee bulshada reer Puntland ay ku qabaan nidaamka waxbarashada dowladda. Waxay intaas ku dartay in ay dadaal xoogan gelisay hubinta in dhammaan ardaydu ay helaan adeegyo waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan deegaannada fogfog iyo kuwa horay u lahaa baahiyaha gaarka ah.
Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in sanadkan la kordhiyay xarumaha imtixaanka, lana xoojiyay ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta geedi-socodka imtixaanka.
Imtixaanka fasalka 8aad iyo 12aad ayaa muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed maadaama ay albaab u furaan marxalad cusub oo noloshooda waxbarasho ah — midna uu u gudbayo dugsiga sare, midna jaamacad.
Dhammaan bulshada, waalidiinta, macallimiinta iyo laamaha ammaanka ayaa lagu bogaadiyay kaalinta ay ka qaateen diyaarinta iyo daryeelka ardayda muddadii uu imtixaanku socday.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonto horumarinta waxbarashada, si kor loogu qaado tirada iyo tayada ardayda mustaqbalka.
GAROWE ONLINE