Maxaa xigi doona magcaabista Golaha Wasiirada?

Image
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha weli ma shaacin cidda bedeli doonta AUN Khadiija Maxamed Diiriye.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, waxaana uu u magacaabay Wasiiro ku dhow Villa Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay ayaa kala ah:

1- Axmed Macalin Fiqi oo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2- Xildhibaan Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

3- Gen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka wasaaradda Amniga,

4- Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka tamarta iyo Biyaha,

5- Xildhibaan Maxamed Aadan Macalim oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta,

6- Axmed Cumar Maxamed, Wasiir dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo isbeddelka Cimilada.

Magacaabida dastuurka cusub ayaa timid kadib markii dowladda ay soo dhameystirtay ansixinta dastuurka cusub, kaasoo uu taageeray maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha weli ma shaacin cidda bedeli doonta AUN Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo dhamaadkii sanadkii hore ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo isku shaandheyn uu ku sameyn doono golihiisa Wasiirada, waxaana lagu wadaa in uu soo magacaabo Wasiiro cusub, qaar kalana loo kala beddelo Wasaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM