Maxay Dowladda Soomaaliya dalka uga cayrisay Qunsulkii Sweden?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga saartay dalka Anna Saleem Högberg, Qunsulkii Sweden oo sidoo kalena ahayd madaxa iskaashiga horumarinta ee Safaaradda Muqdisho, sida uu qoray joornaalka Global Bar Magazine.

Ilo dhowr ah oo arrintan ku saabsan ayaa sheegay in Anna Saleem Högberg laga saaray dalka kadib khilaaf uu dhexmaray iyada iyo xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre. Khilaafkan ayaa muddo socday, waxaana uu ku dhammaaday in qunsulka laga saaro Soomaaliya bishan.

Anna Saleem Högberg, oo Sweden u matalayay Soomaaliya tan iyo 2022, waxay hore uga soo shaqeysay Sudan, halkaasoo ay qaabilsaneed isku xirka barnaamijyada gargaarka iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda ee Sweden iyo Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Anna Saleem Högberg inay dhaawacday sawirka dowladda, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la saaro.

Sweden ayaa muddo kamid ahayd dowladaha taageera Soomaaliya ee dhinacyada gargaarka bini'aadanimada, dib-u-habaynta maamulka, iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli aan caddayn sida uu saameyn ugu yeelan doono go'aankan arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee socda ee Sweden ka wado Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden iyo hay’adda horumarineed ee Sida ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM