Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Safiirka Türkiye?

Image
Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Ibrahim M. Yagli.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay in uu uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Mudane Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM