Maxkamadda Ciidanka oo Xukun Ku Riday Sarkaal Muhiim ah oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Talaadadii xukun xabsi daa'in ah ku ridday Cabdinaasir Maxamed Xasan, oo lagu helay dambiyo la xiriira soo saarista gaadiidka qaraxyada laga buuxiyo (VBIED), taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu wiiqayo shabakadaha taageera Al-Shabaab.

Cabdinaasir ayaa lagu helay dambiga ah in uu Al-Shabaab u samayn jiray gaadiid qaraxyo lagu xiro, isla markaana uu beddeli jiray lambarada aqoonsiga gaadiidka si looga fogaado in la ogaado. Eedeysanaha ayaa la sheegay in uu tan iyo 2018 u shaqeynayay kooxda, isagoo mushahar bille ah oo dhan $240 ka qaadan jiray. Sidoo kale, waxa uu haystay gaari nooca NOHA ah, wuxuuna maamulayay garaash ay kooxda si qarsoodi ah ugu adeegsan jirtay hawlaheeda farsamada.

Cabdinaasir ayaa ka hoos shaqeynayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Khaalid, sida lagu sheegay xukunka maxkamadda.

Dhinaca kale, Maadey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu qeyb ka ahaa shabakad la shaqeysa Al-Shabaab. Waxaa la caddeeyay inuu tagay deegaanka Kuunya Barrow oo ay kooxda ka taliso, halkaasoo uu muddo bil ah ku hagaajinayay saddex gaari. Al-Shabaab ayaa siiyay $400, halka adeerkiis, Ciise Maadey Cabdi Xuseen, oo isna lagu xukumay hal sano, uu ka helay $50.

Sidoo kale, Abdiqaadir Cali Faarax Tabliiq, oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu gaari u iibiyo Al-Shabaab, ayaa maxkamaddu sii daysay kadib markii aan la helin caddayn ku filan oo ku xireysa eeddaas.

Xukunkaan ayaa imanaya iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo ballaaran oo lagu burburinayo xarumaha hawlgalka iyo sahayda ee kooxda Al-Shabaab, taasoo weli sii wada weerarro dhimasho leh inkastoo ay lumiyeen dhul badan oo ay horay u maamuli jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM