Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo mar kale xukuntay shabakada Qosyaale

Image
Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, sidda ay sheegtay xeer-ilaalinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiska Taliyihii saldhiga booliska degmada Heliwaa Dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay 22-kii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha 10-kii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex Dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Toddoba sano oo Xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM