Midowga Africa oo balan-qaad cusub u sameeyay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf, oo booqday magaalada Muqdisho, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadista iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa xoogga la saaray amniga gobolka, horumarka dhaqaalaha, dib-u-habaynta hay'adaha, iyo dagaalka joogtada ah ee Soomaaliya kula jirto argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan hawlgallada nabad ilaalinta, dhismaha dowladnimada, iyo xasilloonida.

"MIdowga Afrika wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarka Soomaaliya," ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. "Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa geesinimada iyo naxariista nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka, waxaana ka go'an in aan xoojino iskaashigeena."

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha iyo in la dardargeliyo dib-u-habaynta dowladda si loo helo xasillooni iyo korriin dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Soomaaliya ee ka qeybqaadashada ajendaha isbeddelka ee Midowga Afrika, isla markaana ay diyaar u tahay in ay la wadaagto casharro laga bartay dhismaha dowladnimada iyo taageerada dalalka kale ee ka soo kabanaya colaadaha.

Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Mahamoud Ali Youssouf, oo loo doortay inuu hogaamiyo Midowga Afrika bishii Febraayo 2025, ayaa ah diblomaasi khibrad leh, wuxuuna hore u soo qabtay xilka wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti.

Magacaabistiisa, oo ay taageertay Soomaaliya, ayaa loo arkaa mid istiraatijiyad ah si loo hagaajiyo isku xirka Midowga Afrika ee Geeska Afrika, gaar ahaan hawlgallada ka dhanka ah al-Shabaab iyo geedi socodka dib-u-heshiisiinta ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM