Muqdisho: Dab xooggan oo ka kacay Suuqa ugu weyn ee Geeska Afrika

Image
Waxaa haatan socda gurmad ay wadaan kooxaha gurmadka deg degga ah si loo badbaadiyo hantida dadka

Muqdisho, Soomaaliya - Dab xooggan ayaa saaka aroornimaii dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah oo ka ka mid ah suuqyada ugu weyn Soomaaliya iyo gobolka.

Dabkan ayaa ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye, sida ay wararku sheegaayaan.

Waxaa haatan socda gurmad ay wadaan kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo badbaadiyo hantida ganacsatada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu soo qaaday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, balse laamaha ammaanka weli ma aysan xaqiijin.

Kooxda AS ayaa lagu tuhmaa weeraradan, iyadoo dhawaanahan ay qaraxyo noocaan oo kale ah ka geysteen bakhaarro lagu iibiyo qalabka elegtarooniga ah oo ku yaalla suuqa Bakaaraha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM