Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Image

MUQDISHO – Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay daadad culus oo ku dhuftay magaalada Muqdisho habeenkii Jimcaha, kaddib roobab mahiigaan ah oo billowday fiidnimadii una socday ku dhowaad toban saacadood, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in daadadku barakiciyeen in ka badan 200 qoys, halka sagaal guri gebi ahaanba dumay, lix wado oo waaweyna si xun loo burburiyay. Degmooyin badan oo ka tirsan caasimadda ayaa si weyn u saameeyay.

Warbixin laga helay maamulka ayaa tilmaantay in laba kamid ah dadka dhintay ay yihiin haween, halka boqolaal kalena ay waayeen hoygoodii. Qoys deganaa degmada Wadajir ayaa u sheegay AFP in labo carruur ah ay ku dhinteen xaafadooda, iyagoo sheegay in aysan waligood arkin roob sidaan u culus oo ka da’a magaalada.

Qof kale oo deggan degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in dad badan ay ku xayirmeen guryahooda intii uu socday roobka, taasoo keentay burbur baaxad leh oo sababay in aysan dadku helin gargaar degdeg ah.

Warbixin ay Qaramada Midoobay daabacday bishii Abriil ayaa muujisay in ku dhowaad 45,000 oo qof ay saameeyeen daadad kusoo noqnoqday gudaha Soomaaliya tan iyo bartamihii Abriil. Geeska Afrika ayaa ka mid ah gobollada dunida ee ugu nugul isbeddelka cimilada, iyadoo dhacdooyinka roobabka iyo abaaraha aad u xad-dhaafay ay sii kordhayaan.

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño, taas oo keentay roobab aad u culus oo wadanka ka da’ay.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ku baaqay in gargaar degdeg ah lala gaaro dadka ku barakacay daadadka, iyadoo sidoo kale laga digay roobab kale oo la filayo inay ka da’aan Muqdisho iyo deegaannada u dhow maalmaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM