Muqdisho: Kumanaan shacab ah oo ka soo qeybgalay dibadbax lagu cambaareynayo damaca Itoobiya

Image
Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha “Daljirka Dahsoon” ee magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo go’aamadii dowladda Soomaaliya kasoo baxay, laguna cambaareynayo heshiiskii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha “Daljirka Dahsoon” ee magaalada Muqdisho, oo uu isla markaana goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, halkaasoo lagu wado in uu khudbad ugu jeediyo shacabka.

Dibad-baxayaasha ayaa cambaareeyay gardarrada ay Itoobiya ku waddo badda Soomaaliya, iyagoo kor u qaaday boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Baddeenna iib ma ahan,”.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hore uga soo horjeedsatay tallaabadii ay Dowladda Itoobiya qaaday oo ay heshiis kula geshay maamulka Somaliland oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DFS ayaa sidoo kale ka digtay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xad-gudbo Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto tallaabada qaawan ee ay Itoobiya ku qaadday “qaab kasta oo sharci ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM