Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah loogu daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, taariikhi ah oo u gogol xaaraya horumar dhaqaale oo waara iyo koboc maalgashi gudaha iyo dibaddaba. Munaasabaddan muhiimka ah ayaa waxaa ka qaybgalay madax iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Maxamed Cabdullaahi Faarax, xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, Agaasimaha Guud ee SOMINVEST Maxamed Dubo, wakiillo ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa madasha sharafta leh ka soo qaybgalay marti caalami ah oo ay ugu muhiimsanaayeen Maamulaha Suuqa Saamiyada Rwanda iyo Guddoomiyaha Midowga Suuqyada Saamiyada Afrika, Pierre Celestin Rwabukumba, iyo Maamulaha Suuqa Saamiyada Nairobi, Frank Mwiti.

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan mid kaalin weyn ka qaadan doona horumarka dhaqaalaha dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in suuqan uu fursad u yahay ganacsatada Soomaaliyeed si ay u helaan raasumaal ballaaran oo kor u qaada ganacsigooda, halka shacabka Soomaaliyeedna laga furayo dariiq ay si toos ah ugu maalgelin karaan shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Suuqan cusub wuxuu sidoo kale horseedi doonaa in shirkadaha caalamiga ah ay iska diiwaangeliyaan, si ay u helaan suuq maalgashi oo ay la wadaagaan saamilayda Soomaaliyeed, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida maalgashiga iyo isdhexgalka dhaqaalaha gudaha iyo kan caalamiga ah.

Tani waxay muujinaysaa tallaabo dhab ah oo Soomaaliya ay ku muujinayso diyaar u ahaanshaheeda ka qeybgalka isbedellada dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Furitaanka Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed waxa uu astaan u yahay iftiin cusub oo ka soo ifbaxaya dhaqaalaha dalka, taasoo ay ka dhaxli doonaan fursado dhaqaale, shaqo abuur, iyo horumar bulsho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM