Muqdisho: Sayid Cali oo dil toogasho lagu xukumay iyo difaaca oo Racfaan ka qaatay

Image
Abukaate Cali Xalane ayaa sheegay in ay Racfaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamadda.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa Marxuumad, Luul Cabdicasiis nolosha ku gubay.

Dacwadda kiiska Sayid Cali Macallin oo marxalado kala duwan soo martay ayay maxkamaddu maanta ku dhowaaqday natiijada kasoo baxday baarista fal dambiyeedka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda ehelada Marxuumada.

Abukaate Cali Xalane oo matalaayey eedeysane Sayid Cali ayaa sheegay in aysan filanayn go’aankii ka soo baxay maxkamada, iyaga oo sheegay in ay ka qaadan doonaan Racfaan.

Ehelada Marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa dhanka kale muujiyay sida ay ugu qanceen go’aanka maxkamada, iyaga oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Meydka Luul ayaa wali lagu hayaa Frinjeer, waxaana la sugaaya in lala aaso Sayid Cali, ka dib markii lagu fuliyo xukunka maxkamadda, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyska marxuumada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM