Muqdisho: Xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo la shaaciyay

Image
Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay Xubanha Golahan.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Golaha ayaa kulankan ku ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
7. Hinda Daahir Jaamac
8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Golahan ayaa gundhig u ah dhaqan gelinta Xeerka Saxaafadda oo uu saxiixay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaaso oo inta badan ka careesiiyay bahda Saxaafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM