Muqdisho: Xubno ka tirsan AS oo Qaraxyo diyaarinayay oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Kooxda AS ayaa bishii Ramadaan ka fulisay dalka weeraro kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa shalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay xubno ka tirsan AS.

Xubnahan ayaa la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay doonaayeen in falal amni darro ah ay ka gaystaan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay hay’dadda.

NISA ayaa shaacisay in xubnahan ay gacanta ku sideen qaraxyo ay doonaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu tiri: “Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.”

Kooxda AS ayaa bishii Ramadaan ka fulisay dalka weeraro kala duwan, kuwaasoo u badnaa qaraxyo lala beegsaday ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM