Muxuu Guudlaawe xilka uga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan?

Image

JOWHAR, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa Isniinta maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, xilli uu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay mas’uuliyiinta sare ee maamulka.

Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa Maxamed Carab Xuseen Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegay in magacaabistan ay timid kadib soo jeedin ka timid Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Guddoomiyaha cusub, Maxamed Carab, ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii guddigii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Hirshabeelle, sanadkii 2021.

Xilka qaadista Muuse Salaad ayaa timid xilli uu jiray muran xooggan oo ka dhashay canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne. Khilaafkaasi ayaa u dhexeeyay Salaad iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed.

Ilaa hadda lama oga tallaabada uu qaadi doono Muuse Salaad, balse horey ayaa marar badan mas’uuliyiin xilka laga qaaday uga hor yimid go'aannada maamulka, taasoo muujineysa caqabadaha ka jira awood fulinta Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan.

Guudlaawe ayaa si joogto ah u bedelaya gudoomiyaasha gobolka, halkaasi oo Maamulkiisa ka shaqeyn la'yahay maadaama la isku khilaafsan yahay awood qeybsiga HirShabeelle, oo Beesha Xawaadle ee degta Hiiraan ay sheegtay in la duudsiiyay xuquuqdeedii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo digniin ka bixisay faragelinta Dowladda Federaalka ee nidaamka federaalka

Maamulka Jubbaland ayaa ku adkeeyay in ay ka go’an tahay difaaca midnimada dalka, ilaalinta Dastuurka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 09:07AM

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM