Muxuu ku saabsanaa Wadahadalka Erdoğan iyo Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa telefoon kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo mar kale carabka ku adkeeyey taageerada joogtada ah ee Ankara u fidinayso horumarka, ammaanka, iyo hiigsiga dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal, horumarrada gobolka iyo caalamka ee dhawaan dhacay, iyo meelaha iskaashiga la ballaarinayo, gaar ahaan tamarta, kalluumaysiga, iyo difaaca.

Madaxweynaha Erdoğan ayaa muujiyey sida ay Turkigu uga go’an tahay dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada, isagoo ballan qaaday in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo difaaca.

“Taageerada Turkiga ee Soomaaliya way sii kordhi doontaa,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo tilmaamay muhiimadda xasiloonida oo lagu gaari karo dimuqraadiyadda iyo horumarka.

Erdoğan wuxuu xusay in wada shaqaynta dhinacyadan ay rajo weyn u horseedi karto horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo maareynta kheyraadka. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo labada dal dhawaan saxiixeen heshiisyo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga milateri, dhaqaale, iyo kaabayaasha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Erdoğan ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Adxaa ee soo socota, isaga oo mar kale ku adkeeyey xiriirka xooggan ee dhaqanka iyo diinta ee ka dhexeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM