Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Image

HINDIYA- Muwaadin British ah ayaa laga helay isagoo nool shilkii diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Ahmedabad, galbeedka Hindiya, halkaas oo diyaarad nooca Boeing 787 ah oo ay leedahay shirkadda Air India ay ku burburtay daqiiqado kadib markii ay duushay, una socotay magaalada London.

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday 242 rakaab iyo shaqaale. Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 290 qof, oo ay ku jiraan dad dhulka joogay markii diyaaradda ku dhacday dhisme hoy u ahaa jaamacad caafimaad.

Vishwash Kumar Ramesh, oo 40 jir ah, ayaa laga helay kursiga 11A isagoo dhaawacyo fudud qaba, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska. Walaalkiis Ajay Kumar, oo sidoo kale diyaaradda la socday, ayaa weli la la’yahay.

Mr. Ramesh ayaa la sheegay in markii uu soo toosay uu la kulmay argagax isagoo ay dusha ka saarnaayeen dad badan oo meyd ah.  Wuxuu sheegay in uu istaagay oo si degdeg ah u orday, isagoo aan ogeyn sida uu uga badbaaday diyaaradda. Waxa uu sidoo kale xusay in uu dareemay jahwareer, balse qof u soo gurmaday uu geeyay isbitaalka.

Booliiska ayaa sheegay in Mr. Ramesh yahay rakaabka keliya ee ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu badbaaday, inkastoo hawlgallada gurmadka ay weli socdaan.

Hay’adda Baarista Shilalka Diyaaradaha ee UK (AAIB) ayaa sheegtay in 53 muwaadiniin British ah ay diyaaradda la socdeen, waxaana saraakiil British ah loo diray Hindiya si ay uga qeyb qaataan baaritaanka.

Diyaaradda ayaa lasoo sheegay inay samaysay codsi degdeg ah ka hor inta aysan ku dhicin xaafadda Meghani Nagar. Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinaya qiiq ka baxaya burburka diyaaradda, iyadoo dabdamisyadu ay ku mashquulsanaayeen daminta gubashada.

Shirkadda Air India ayaa dhacdadan ku tilmaamtay “shil naxdin leh”, iyadoo tafaasiil buuxda weli aan la shaacin. Diyaaraddan ayaa la sheegay inay shirkadda Air India iibsatey Janaayo 2014, waxana ay kamid ahayd nooca Boeing Dreamliner ee la bilaabay in si ganacsi ah loo adeegsado sannadkii 2011.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM

Villa Soomaaliya oo Diidey in Beesha Caalamka Cod Mideysan Kaga Hadasho Arrimaha Gudaha

Qoraalka Wasiiru Dowlaha ayaa u muuqda mid looga hortagayo in dalalka C6+ ay si wadajir…

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 04:29AM