Muxuu salka ku hayaa safarka deg-dega ah ee Xamase ku aadan Kenya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dalka Kenya u ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo RW Xamse, kaasoo la filayo inuu kulamo kula yeesho Nairobi madaxda dowladda dalkaasi, xili sii xumaaday xiriirka Villa Somalia iyo Jubaland.

Qorshaha safarka Xamse ayaa sida uu Garowe Online ogaadey ku salaysan xal u raadinta khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Jubaland, waxaana Kenya loo arkaa inay tahay dowladda kaliya ee Axmed Madoobe wax ka maqlayo, maadaama Ciidankeeda gacanta ku hayaan amniga Kismaayo.

Waxaa dhawaan Muqdisho yimid wafdi dhex-dhexaadin ahaa oo Kenya soo sartay, kaasoo Xamse la kulmay, kalana hadlay sidii loo xalin lahaa xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe, oo ka billaabatay doorashadda Kismaayo, oo DFS ku tilmaantay mid sharci-darro ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey Ruto uha dalbaday inuu kala hadlo Axmed Madoobe, oo xiligaas ka baxay Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran, iyadoo rajo laga qabay inuu kusoo laabtay, balse aysan noqon. Isku-dayga Kenya ee dhex-dhexaadinta labada dhinaca lama oga inuu mira-dhal noqon doono.

Axmed Madoobe ayaa khudbadiisa doorashadda kadib ku sheegay inuu yahay qof Soomaali ah, oo uusan ahayn Kenyan, islamarkaana dowlado shisheeye ku qasbi karin wax uusan rabin.

Xamse waxaa sidoo kale la filayaa in Kenya kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal uu u arko inay la heshiisiin karaan Axmed Madoobe, oo hadda ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, isagoo raacay wadadii Puntland martay sanadkii hore.

Dastuurka dalka oo qabyo ah, ayaa loo aaneeyaa khilaafyada dalka aan dhamaadka lahayn, waxaana awood-qeybsiga iyo nimaadka Federaalka hadda jira ku jira xaalad khatar ah, maadaama Xasan Sheekh diyaarinayo qorshihii meesha uga saari lahaa, isagoo ku doodaya in doorasho qof iyo cod ah, oo aan heshiis lagu ahayn qaban doono.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM