Muxuu u furmi la'yahay Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Gollaha Shacabka katirsan ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay si ku-tala-gal ah u baajiyeen furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka, oo la filayay 6-dii bishan.

Wuxuu xusay Xidig inay Madaxda ka baqayaan in Mooshin la keeno Baarlamaanka hadii uu furmo, sidaas darteedna dib ugu dhigeen furitaankiisa. Xildhibaanka ayaa ku hanjabay inay Xildhibaanada ay meel kale ku kulmi doonaan, islamarkaana ka doodi doonaan ajandooyinka u degsan, oo mooshin uu kamid yahay.

"Waa sharci-darro ah shaqsiyaad u xirnaado Baarlamaanka dalka, iyagoo ka baqaya Mooshin, hadii aan dib loo furin kalfadhiga, meel kale ayaa lagu qaban doonaa kulanka, mooshinka horey ayaa loo saixiixay," ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Dib u dhigida furitaanka kalfadhiga 5aad ayaa kusoo aadaya xili dalka xiisad siyaasadeed ay ka jirto, waxaana lagu eedeeyay Afhayeenka Gollaha Shacabka Aadan Madoobe inuu ku shaqeeyo rabitaanka Villa Somalia, kuna milmay laanta fulin [Xukuumadda], oo la rabey inuu baarlamaanka la xisaabtamo.

Xidig ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay siyaasadeysay Ciidanka qaranka, oo si qaldan u adeegsanayso, kadib markii lagu weeraray Jubaland iyo shirarka Mucaaradka ee ka dhacaya magaaladda Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa ku dhaqmaya ficilo markii uu mucaaradka ahaa ku eedeyn jiray Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM