Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Madaxweynaha Imaaraatka Carabta?

Image

ABU DHABI - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Isniintii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu booqashada shaqo ku joogay dalkaas.

Kulanka, oo ka dhacay Qasr Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, ayaa waxaa ka qaybgalay hogaamiyeyaasha muhiimka ah ee Imaaraatka Carabta, sida Madaxweyne ku-xigeenka iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Shiekh Mansour bin Zayed, iyo Amiirka Dubai iyo Wasiirka Gaashaandhigga Shiekh Hamdan bin Mohammed.

Kulanku waxa uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Imaaraatka Carabta ee dhinacyada horumarka Soomaaliya, isagoo tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay Imaaraatku ka qaadatay horumarka dalka.

Inkasta oo ujeeddada rasmiga ah ee safarka Madaxweynaha Soomaaliya aan la shaacin, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Imaaraatka Carabta taageerada ay ka geysteen xoojinta amniga Soomaaliya, waxayna sheegeen in safarku uu ka mid noqon karo wada-xaajoodyo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Imaaraatka ayaa xiriir dhaw la leh madaxda Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM