MW Xasan Sheekh oo sheegay in dhameystirka dastuurka aan loo joojin doonin mucaaradnimada isa soo tareysa

Image
Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa diirada ku saaray barnaamjika dhamaystirka Dastuurka.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa diirada ku saaray barnaamjika dhamaystirka Dastuurka, isaga oo sheegay in aanay loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Xasan Sheekh ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna, hanti Soomaaliyeed ayaana lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doono Dastuurka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiin fara badan ay ka hor yimaadeen habraacii dhameystirka Dastuurka oo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka.

GaroweOnline.

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM