Naadiga Paris oo Soomaaliya ka cafiyay deymo dheeri ah

Image
Naadiga Paris ayaa Soomaaliya Ka cafiyay in ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay ku lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebeeyay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club).

Wasiirka oo tallaabadan ka hadlay ayaa yiri, “Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen. “

Arrintan ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa heshiisyo gaar ah la geli doonta dalalka naadiga si gabi ahaanba looga baabi’iyo deymaha lagu leeyahay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM