NISA oo sheegtay in ay soo qabatay dad u hogaansamay “baadda AS”

Image
Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay qabatay shaqsiyaad u hogaamsamay lacago baad ah ay dul-dhigtey kooxda AlShabaab, sidda ku xusan war qoraal.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay xubno u hoggaansamay Baadda Khawaarijta iyadoo lagu daba jiro shakhsiyaad kale.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah Baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah ayaa gacanta kusoo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee Khawaarijtu ay ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hintida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo Macawiisleyda uga tagtay jiida dagaalka AS ee Bartamaha Soomaaliya 

Mid kasta oo ka mid ah dagaalyahannada Macawiisleyda ayaa dowladda ka ballanqaadday mushahar bille ah oo gaaraya $100 doolar.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 09:07AM