Norway oo balanqaad horleh u sameysay Dowladda Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Norway ayaa wadahadalo ku yeeshay magaalada Oslo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Xasan Sheekh iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM