Premier Bank oo daahfuray adeegga cusub ee ATM lacag dhigasho ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay lacag ku shubtaan koontadooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit). Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si xorriyad ah oo fudud hadana ammaan ah ay ugu shuban karaan lacagahooda koonta- dooda bangiga waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u shaqeynayaan si joogto ah.

Faa'iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan: Helitaan Joogto ah: ATM-yadeenna ayaa u diyaarsan in la heli karo waqti kasta; adigoo lacagtaada ku shuban kara koontadaada marka aad u baahato, iyadoon xilliga loo eegin.

Hufnaan, Ammaan iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.

Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay faa’iidada adeeggan isagoo yiri: "Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muuji- naysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada ban- giga, si aan macaamiisheena u siinno adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada ee maaliyadeed."

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM