Premier Bank oo daahfuray adeegga cusub ee ATM lacag dhigasho ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay lacag ku shubtaan koontadooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit). Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si xorriyad ah oo fudud hadana ammaan ah ay ugu shuban karaan lacagahooda koonta- dooda bangiga waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u shaqeynayaan si joogto ah.

Faa'iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan: Helitaan Joogto ah: ATM-yadeenna ayaa u diyaarsan in la heli karo waqti kasta; adigoo lacagtaada ku shuban kara koontadaada marka aad u baahato, iyadoon xilliga loo eegin.

Hufnaan, Ammaan iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.

Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay faa’iidada adeeggan isagoo yiri: "Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muuji- naysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada ban- giga, si aan macaamiisheena u siinno adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada ee maaliyadeed."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM