Qadar oo boqolaal Soomaali ah u qabaysa shir tuhun laga muujiyay

Image
Kulankan ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu bisha dambe ka qabsoomo magaalada Dooxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimada waddanka Carbeed ee Qadar ee Dooxa ayaa martigelinaysa shir ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo badankooda lagu sheegay in ay yihiin qurbajoog.

Sidda uu shaaca ka dhigay Cabdisalaam Guuleed, agaasime ku xigeenkii hore ee NISA, kulankan ayaa abaabulkiisa waxaa ka haysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Shirkaan waxa soo abaabulay sida la sheegay Wasaarada arimaha dibada Dowladda Soomaaliya iyo safarada Soomaalida ee Qatar. Inkasta oo uu yahay shir soconaya illaa labo maalmood hadane ujeedkiisa lama shaacin," ayuu ku qoray baraha bulshadda.

Guuleed ayaa waxa uu is-waydiiyay haddii shirkan uu gogol-xaar u yahay wadahadalada la hadal-hayo in ay ka dhex-bilaabanayaan Dowladda Federaalka iyo kooxda Al-Shabaab.

"Dadka ka qayb geleya waxay leeyihiin “Aniga si hoose ayaa la iigu casuumay, cidna hala wadaagin baa la igu yiri” Waxan isweydinayaa muxuu yahay shirkaan maxaase loo qarinayaa?," ayuu tibaaxay.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu horaantii bishan ka hadlayay magaalada Dooxa waxa uu ka caddeeyay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu dagaalka Al-Shabaab kusoo afjaro si nabad ah.

Qadar oo horey u dhex-dhexaadisay Kooxda Taalibaan iyo Dowladda Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in ay kamid tahay dowladaha sida weyn uga shaqeynaya in ay wadaxaajoodaan Al-Shabaab iyo Dowladda.

"Shir 300 qof Soomaali ay ka qayb geleyso ma ahan wax la qarin karo, sirna ma noqon karo. Mid waa iska cadahay, in Doha muujineyso saameynta iyo xariirka dhow ay la leedahay dowladda XSM," ayuu Guuleed raaciyay.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qadar oo la xiriira shirkan iyo ajendaha dhabta ah uu xambaarsan yahay.

"Waxa kalooy tusaale u tahay, Abu Dubai iyo Doha ayaa SOOMAALIDA u dhow. Al-Shabaab ma ahan Taliban ee waa Al-Qaacida, Soomaalina maahan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guuleed oo ka faallooda amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM