UN: Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland fursad buu u abuuray AS

Image
Wakiilka UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqdey madaxwayne Xasan Sheekh inuu ku adkeysto jawaabta uu ka bixiyay is-fahamkan.

NEW YORK, USA - Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka niyab-jabeen in kulankii Midowga Afrika uu qaboojin waayey xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Catriona Laing oo la hadleysay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in wadahadal loo baahan yahay in ay labada dal ku wajahaan khilaafkooda.

"1dii Janaayo, Itoobiya iyo "Somaliland" waxay ku dhawaaqeen Is-afgarad (MoU) kaas oo la sheegay in Itoobiya looga kireeyay dhul xeebeed 20 kiiloomitir muddo 50 sano ah si ay faa'iido siyaasadeed iyo dhaqaale u hesho "Somaliland." Faahfaahinta heshiiska MOU oo dhammaystiran lama hayo, laakiin ku dhawaaqida ayaa kicisau cadawtinimo xooggan oo shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen," ayay tiri.

Laing ayaa raacisay: "Waxa kale oo welwel leh in la arko Al-Shabaab oo ka faa’iidaysanaysa xaaladdan oo u noqotay fursad ay ku hesho xubno badan. Waxaan garwaaqsanahay in dareenka xooggan ee ka jira Soomaaliya uu cadaadis ku saarayo dowladda inay ka jawaabto, waxaana ku dhiirigelinaynaa madaxweynaha inuu ku adkeysto jawaabta uu bixinayo".

"Waxaan ku cel-celinayaa hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo xasuusiyay in Golaha Ammaanku uu dhowr jeer caddeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal nabadeed oo wax dhisaya, lagana fogaado hadalada xanafta leh ama ficilo sii kicin kara xiisadaha," ayay xustay.

Diblumaasiyada ayaa kusoo xirtay hadalkeeda: "Xaaladdan waa in lagu xalliyaa wadahadal wax ku ool ah. Arrinkaas, waxaa wax laga xumaado ah in aan wax horumar ah oo la taaban karo laga gaarin shirkii ugu dambeeyay ee Midowga Afrika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM