Qarax lagu weeraray maqaaxi lagu daawanayay final-ka Euro 2024

Image
Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay fashiliyeen isku day baxsasho oo ka dhacay xabsiga dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari lagu hoobtay ayaa lala beegsaday goob shaaha laga cabo oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, xilli macaamiisheeda ay daawanayeen ciyaartii finalka Euro 2024 ee u dhaxeysay England iyo Spain.

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen weerarka, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qoraal ay Boliska ku soo qoreen Boggooda Facebook-ga ayay ku xaqiijiyeen in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la dhigay banaanka Maqaayadda Top Cafe uu Qaraxaasi ka dhashay.

Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayay uu daawanayay ciyaarta ka socotay gudaha maqaayadda.

Shqsiga, oo si qarsoodi ah u hadlay cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in macaamiishii fadhiyay bannaanka kafateeriyada uu soo gaaray khasaaraha ugu badan.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay fashiliyeen isku day baxsasho oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar kadib markii maxaabiis dabley ah oo isticmaalayey bastoolado iyo bambooyinka gacanta ay weerareen ilaalada xabsiga.
Saraakiisha ayaa sheegay in saddex ka mid ah ilaalada xabsiga iyo shan maxbuus oo mintidiin ah lagu dilay weerarkii Sabtidii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM