Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa Soomaaliya soo gaarsiiyay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci, kuwaas oo awood u leh inay fuliyaan duqeymo cirka ah, taasoo xoojineysa howlgallada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas'uuliyiin ka tirsan difaaca Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweeyay labada diyaaradood, kuwaas oo soo gaaray Muqdisho Maanta, iyagoo lagu soo qaadey diyaarad militeri oo Turkiga uu leeyahay.

Garowe Online ayaa ogaadey in dowladda Qatar ay Soomaaliya usoo iibisay diyaaradaha, waxaana ku baxay qiimo lacageed oo gaaraya illaa 8 milyan oo dollar. Tani waxay muujinaysaa inay Qatar rabto saameyn inay ku yeelato dagaalka ka socda dalka.

Diyaaradaha Bayraktar Akinci ayaa lagu sheegay inay si weyn u horumarin doonaan awoodda hawada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), iyagoo baabi'in doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka.

Bayraktar Akinci waxay kamid tahay diyaaradaha aadka mudooyinkii dambe loogu adeegsanayay dagaallada, waxaana isticmaalay dowlado dhowr ah oo ka iibsaday Turkiga.

Iyadoo ay awood u leedahay inay qaaddo culays ilaa 1,500 kiilogaraam, waxay qaadi kartaa noocyo kala duwan oo hub ah, oo ay ku jiraan gantaallada SOM, gantaallada hawada hawada Gökdoğan, bamamka hagitaanka Bozok, iyo bamamka MK-82.

Turkiga ayaa sidoo kale ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan saaxiibada Soomaaliya ee ku howlan amniga iyo horumarka, isagoo bixinaya tababarka militari, taageero dhisme, iyo qalabka difaaca.

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada istiraatiijiyadeed ee Turkiga ee xasilloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM