Qorshaha Ciidamada Masar kusoo galayaan Soomaaliya oo la diyaariyay

Image

CAIRO – Ka dib toddobaadyo wadahadallo qoto dheer oo ay la yeesheen dowladda federaalka Soomaaliya, Masar ayaa go'aansatay inay soo dirto ciidamo milatari oo ka caawin doona Soomaaliya sidii ay u dhisi lahayd ciidan qaran oo awood leh iyo ilaalinta xasiloonideeda, iyadoo ay jiraan caqabado amni oo soo food saaray gobolka.

Inkasta oo uu si weyn uga soo horjeedo Itoobiya, maadaama loo socdo Webiga Nile, Masar ayaa sii waday ballan-qaadkeeda inay Ciidamo usoo dirto Soomaaliya, iyagoo qeyb ka noqonaya howlgalka AUSSOM.

Ilaha ku dhow qorshaha Qaahira ayaa xaqiijiyay in Masar ay qorsheyneyso inay usoo dirto laba qeybood oo ciidan ah Soomaaliya, balse tirada ciidamada ayaa weli aan la go’aansan, maadaama ay tahay arrin ay go'aamin doonto dowladda Soomaaliya.

Qeyb ka mid ah Ciidanka ayaa ku biiraya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), oo bedelay Hawlgalkii (ATMIS), kaasoo muddo-xileedkiisa dhammaaday bishan.

Sidoo kale, Masar ayaa ciidamo kale usoo diraysa Soomaaliya, sida ku xusan heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal galeen, kuwaasoo qeyb ka qaadan doona qalabaynta, hubinta, dib-u-hagaajinta iyo tababarka Ciidamada Millateriga Soomaaliyeed, taasoo Itoobiya ay horay uga muujiyeen walaac.

Haddii ay xaqiijiso, arrintan waxay la mid tahay nidaamka hadda ka jira Soomaaliya, halkaasoo qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ay ku hawlgalaan qeyb ka mid ah howlgalka Midowga Afrika, halka kuwa kale ay ku howl-galaan heshiisyo amni.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan booqday Addis Ababa iyo Qaahira si uu u helo oggolaansho, maadaama labada dal ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan xasilinta dalkiisa. 

Ciidamadu waxay ka caawin doonaan dowladda Soomaaliya la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Masar waxay isbahaysi la sameysatay Soomaaliya iyo Eritrea si ay Itoobiya cadaadis militeri u saarto, ugu dambeyna u ogolaato heshiis ku saabsan biyo-xireenka webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM