Qorshaha fog Itoobiya ee Somaliland iyo Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Image
Qorshahan ayaa waxaa la sheegay inuu muddo badan soo jiitamayay isla markaana fulintiisa ay bilaabatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenkii hore we sirdoonka Soomaaliya Cabdisataar Guuleed ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay Somaliland iyo Koonfur Galbeed u maamusho sida Kilinka Shanaad.

Guuleed oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook ayaa shaaca ka dhigay in Addis Ababa ay sanadihii lasoo dhaafay ku beeratay goboladaas wax uu ku tilmaamay "dhir  siyaasadeed" isaga oo aanan fahfaahin ujeedkiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Dowladda Itoobiya ayaa 34-tii sano ee ugu dambeysay dhir beeris siyaasadeed ka waday Soomaaliya, waxaana geedahaas ay hadda ka soocmeen dhirta dabiiciga ah ee Soomaalida.

Dadaalkan oo loogu magac daray beeraha siyaasadda Addis Ababa ee Soomaaliya, ayaa u muuqda mid ay ka soo baxeen dalagyo u bislaaday suuqa siyaasadda.

Itoobiya waxay daraaseysay in gobollo ka mid ah Soomaaliya ay aad ugu habboon yihiin dalagyadaas shisheeye marka loo eego dhulka Soomaaliya intiisa kale.

Itoobiya ayaa u aragta, Maamulada Somaliland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, in ay gacanta ugu heyso si lamida sida maamulka Jigjiga.

Dhinaca wanaagsan, waa waqti ku habboon in Soomaaliya ay ku baraarugto dhirtaas shisheeye dhulkeeda ee dhulkeda lagu abuuray.

Taas beddelkeeda, daah-furka Itobiya ee geedahaas oo loogu talo galay inay sii qarsoonaadaan, waxay muujinaysaa daciifnimo iyo quus.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM