Qoysas Ka Barakacay Dagaalada Baladxaawo oo Soo Gaaray Magaalada Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya – Waxaa sii kodhaya tirada qoysaska ka barakacaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Mandheera ayaa sheegtay in saacadahii lasoo dhaafay ay halkaasi gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka soo cararay Baladxaawo. Qoysaskan ayaa u badan haween, carruur iyo dad da’ ah.

Qaar kamid ah dadka barakacay ayaa sheegay inay guryahooda uga soo carareen cabsi la xiriirta rasaas culus iyo hubka waaweyn oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac ee dagaallamaya.

Waxaa la dejiyey qaar kamid ah barakacayaasha xarumo waxbarasho oo ku yaalla Mandheera kuwaas oo si ku meel gaar ah loogu beddelay xeryo lagu quudiyo dadka, halka kuwo kalena ay la degeen qaraabadoodii horey ugu noolaa magaalada.

Mas'uuliyiinta gobolka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo siiyo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah. Waxay sheegeen in xaaladda dadkaasi ay tahay mid aad u liidata oo u baahan gurmad degdeg ah.

Barakaca ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaalka Baladxaawo uu sii xoogeystay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, iyadoo dadka deegaanka ay la tacaalayaan duruufo adag oo ay kamid yihiin hoy la’aan, biyo la’aan iyo cunto yari ba’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM