Qoyska Luul Cabdicasiis oo walaac ka muujiyay daacadnimada laamaha ammaanka

Image
Qoyska marxuumada ayaa walaac ka muujiyay caddaalad u helida gabadhooda.

Muqdisho, Soomaaliya - Qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa maanta la hadlay warbaahina, iyaga oo sheegay inay jiraan dadaaallo lagu doonaya in kiiskan Cadaalada laga leexiyo.

Qoyska marxuumada oo loo haysto inuu gubay Saygeeda ayaa walaac ka muujiyay caddaalad u helida gabadhooda, isla markaana Caddeeyey inaysan oggoleyn Diya ama wadahadal oo ay kaliya ku kalsoon yihiin Cadaalada.

Aabbaha dhalay marxuumada ayaa Yiri: “Eedeysanaha gubay gabadhayda waxaa la doonayaa on la difaaco oo aan cadaalada la horkeenin, Luul waxay wali ku jirta Firinjiyeer, mana la aasayo inta ay caddaalad ka helayso”

Qoyska Luul Cabdicasiis ayaa markale dalbaday in eedaysanaha sharciga la horkeeno, si meesha looga saaro walaaca ay ka qabaan in la sii daayo.

“Madaxweynaha isaga ayaa dalkaan imaam u ah, Waa inuu caddaaladda horkeeno ninkaas,” ayay dhaheen xubno ka tirsan qoyska.

Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ay Hay’adaha amniga kasoo qabteen Koonfurta gobolka Mudug ayaa ku eedeysan dilka xaasikiisa marxuumad Luul Cabdicasiis ka dib markii uu Baasiin ku bilbilay kadibna dab qabadsiiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM