Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shir Degdeg ah isagu yeeray Gollaha Wasiirrada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Cabdi Barre, ayaa qorsheynaya in Axadda soo socota uu qabto shir degdeg ah oo Golaha Wasiirrada ah, kaasoo diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Shirkan ayaa imanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in la filaayo magacaabo cusub oo lagu sameeyo hay’adaha ammaanka, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo awoodda iyo hufnaanta hay’adahaas.

Tallaabadan ayaa u muuqata jawaab ka timid xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho oo ah mid sii xoojinaysa mucaaradka iyo kororka dhaq-dhaqaaqooda, iyadoo doorashooyinka 2026 ay soo dhow yihiin.

Waxaa muuqata in dowladda ay dadaal ugu jirto sidii ay u xakameyn lahayd cadaadiska siyaasadeed iyo kororka khilaafaadka si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shirkan ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagaga doodi doono sidii loo wajihi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay in la gaaro nabad iyo dowlad wanaag.

Hamza ayaa ku mashquulay isku-shaandheyn xili dalka uu galay xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo deg deg ah, islamarkaana waqtiga xukuumadiisa u haray uu ka yaryahay sanad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM