Ra’iisul Wasaaraha XFS oo gudoomiyay Shir looga hadlayay kor u qaadista wax-soo-saarka dalka

Image
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay sare u qaadan Wax-soo-saarka.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barreayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ee looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale.

Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay Wasiirada in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si loo xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM