Ra'iisul Wasaare Xamse: Wax gorgortan ah kama galayno baddeena

Image
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay shir ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna.

Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynaysi in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Wasiirka koowaad ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah qaban-qaabada shirka, ayaa  xusay in Xukuumadda DanQaran ay  ka shaqayso sidii loo heli lahaa Tamarta awood leh oo qiimo jaban, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashiga sameynayana u helaan koronto jaban.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM