Roob baajiyey kala bar duulimaadyaddii garoonka diyaaradaha Muqdisho

Image
Dhacdadan ayaa lasoo wariyay Axadii shalay ahayd iyadda oo la rajeynayo in shaqada ay sidii kusoo laabato maanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Axadii shalay ahayd ay ku yimaadeen dib u dhac ku yimid, sidda ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

Qaar kamid ah saraakiisha garoonka iyo waaxda duulista hawada ayaa dib-u-dhaca u sababeeyay roobab xooggan ay da’ay iyo ceeryaamo cufan taasoo keentay in shaqada ay u socon weydo si caadi ah.

"Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa loo weeciyay dalka Kenya, halka duulimaadyadii dadka deegaanka ay ka degeen garoomo kale oo gudaha ah," ayuu yiri sarkaal xog-ogaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn.

Sikastaba ha ahaatee, Isniinta maanta ah ayaa waxaa la rajeynayaa in dhamaan duulimaadyaddii ay kusoo laabtaan si caadi ah isla markaana jadwalka shaqada uu sidiisii hore dib ugu soo laaban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM