RW Xamse muxuu kala kulmay Laftagareen kulankii ay Baydhabo ku yeesheen?

Image

BAYDHABO, GO| Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha Dowlada Federaalka, Xamse Cabdi Barre, uu kulan muddo afar saacadood ah la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Inkasta oo faahfaahin badan aan laga helin kulankaas, haddana ilo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in wadahadalka labada mas’uul uu inta badan ku saabsanaa cabashooyin uu Madaxweyne Laftagareen ka gudbinayey Villa Somalia, gaar ahaan sidii loola dhaqmay xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isal Wasaare Xamse uu Baydhabo sii joogayo ilaa maalinta berri ah, waxaana la filayaa in habeen dambe loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah magaalada Baydhabo.

Safarka Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuu ka yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u soo diray Xamse sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, xilli uu Madaxweynaha cadaadis kala kulmayo siyaasiyiinta taageersan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolada Koonfur Galbeed, kuwaas oo diidan heshiiska Milatari ee Dowladda Federaalka la gashay dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana safarkiisa ku wehelinayay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya. Amniga garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Itoobiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM