RW Xamse muxuu kala kulmay Laftagareen kulankii ay Baydhabo ku yeesheen?

Image

BAYDHABO, GO| Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha Dowlada Federaalka, Xamse Cabdi Barre, uu kulan muddo afar saacadood ah la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Inkasta oo faahfaahin badan aan laga helin kulankaas, haddana ilo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in wadahadalka labada mas’uul uu inta badan ku saabsanaa cabashooyin uu Madaxweyne Laftagareen ka gudbinayey Villa Somalia, gaar ahaan sidii loola dhaqmay xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isal Wasaare Xamse uu Baydhabo sii joogayo ilaa maalinta berri ah, waxaana la filayaa in habeen dambe loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah magaalada Baydhabo.

Safarka Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuu ka yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u soo diray Xamse sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, xilli uu Madaxweynaha cadaadis kala kulmayo siyaasiyiinta taageersan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolada Koonfur Galbeed, kuwaas oo diidan heshiiska Milatari ee Dowladda Federaalka la gashay dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana safarkiisa ku wehelinayay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya. Amniga garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Itoobiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM