Sacuudiga oo mar kale la saftey Soomaaliya xilli ay jirto xiisada Itoobiya

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa laga cabsi qabaa in xiisadooda ay isku-badasho dagaal fool ka fool ah.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sacuudiga, Waliid Al-Khuraiji, ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Suudaan.

Ballanqaadkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah ilaalinta amniga, xasilloonida, iyo is-dhexgalka gobolka.

Al-Khuraiji ayaa hadalkan sheegay mar isagoo ka wakiil ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan, uu ka qayb-galay shir-madaxeedka urur-goboleedka IGAD oo Jimcihii ka dhacay dalka Uganda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa khudbadiisa ku muujiyay mowqifka adag ee Sacuudiga uu ka taagan yahay taageeridda iyo horumarinta xiriirka Sacuudiga iyo Afrika.

Mawqifkaasi waxa uu xoojinayaa xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika iyo dalalka IGAD.

Al-Khuraiji waxa uu carabka ku adkeeyay mowqifka Sacuudiga ee ku aadan xiisada Sudan, isaga oo diiradda saaraya ilaalinta midnimada Sudan iyo wadajirka dhuleed, ilaalinta hay’adaha dawliga ah, iyo ilaalinta kheyraadka shacabka Sudan.

Wuxuu ammaanay iskaashiga Sacuudiga iyo IGAD iyo Midowga Afrika ee khuseeya xaaladda hadda ka taagan Suudaan.

Waxa uu intaa ku daray in fulinta Baaqa Jeddah, ee ah in la ilaaliyo dadka rayidka ah si waafaqsan mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, ay tahay dariiqa lagu xalinayo xasaradaha ka socda Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM