Safiirka Itoobiya oo raaligelin siiyay Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed

Image
Safiir Waare ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalladiisa

Addis Ababa (GO) - Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxamed Waare ayaa raalli gelin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta dowladda Itoobiya, kaas oo ugu gafay madaxbanaanida Soomaaliya.

Safiirka ayaa yiri: “Waxaan ka raalli gelinayaa walaalahayga Soomaaliyeed Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha. Waxaan si kal iyo laab ah u raali gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Safiirka ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalladiisa isaga oo intaas ku daray: “Erayadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello Xiriirka naga dhaxeeya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaxeeyaan xiriir qoto dheer, isaga oo raaciyay in ay ka go’an tahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriirkaas.

Hadalka Safiirka ayaa ku soo aaday xilli dowladda Federaalka ay abaabuleyso wadamada gobolka iyo caaalanka si looga hor yimaado damaca Itoobiya ee gobolka isla markaana cadaadis la saaro.

Dadka u dhuub daloola siyaasadda gobolka ayaa rumeysan in raalli gelinta Safiirka ay gogol xaar u noqon doonto kulan dhawaan dhaxmari doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM