Sanator Faroole oo si kulul uga hadlay habraacii wax ka badalka Dastuurka uu baarlamaanku ansixiyay

Image
Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka hortimid go’aankii mudanayaasha Baarlamaanka.

Garowe, Soomaaliya - Sanator Cabdiraxman Faroole oo maanta Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Deni ayaa si adag uga hadlay habraacii ay shalay meel-mariyeen Xildhibaanada labada gole ee BJFS.

Sanator-ka ayaa yiri: "Shalay waxaa Muqdisho ka soo baxay wax aan Caddaallad ahayn oo waxaa lagu takri falay jiritaankii dalka”.

Senter Faroole ayaa ku baaqay ina laga wada hadlo habraacii la ansixiyay isaga oo sheegay in aanu ansax ahayn intaa laga heshiinaayo.

“Xasan Sheekh Maxamuud waxaaan u sheegayaa wixii ka soo baxay Golaha Wakiilada in uusan saxiixin inta laga heshiinayo". ayuu yiri Senetorka.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka hortimid go’aankii ay shalay mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa Gole ay ku ansixiyeen Habraaca wax ka beddelka Datuurka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM