Sayid-Cali: Ninkii nolosha gubay xaaskiisa oo gacanta lagu dhigay

Image
Sayid-Cali ayaa waxa uu ku eedeysan yahay in uu nolosha ku gubay marwadiisa oo uur lahayd Marxuumad Luul Shiikh Cabdicasiis

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen soo qabashadda eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa'uud kaasoo loo haysto dilka xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa waxa uu ku eedeysan yahay in uu nolosha ku gubay marwadiisa oo uur lahayd Marxuumad Luul Shiikh Cabdicasiis 26 Jan 2024 oo ku beegan todobaadkii lasoo dhaafay.

"Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa'uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay gubashadii. ayaa fududeeyayin maanta 05 Feb 2024 gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado.

Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhul balaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas, oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xili uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

Eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa'uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM