Senator Maxamed Gaagaab oo ku geeriyoodey dalka Turkiga

Image
Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida mudanaha oo arrimo caafimaad u joogay Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Xasan Sheekh ayaa xusay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku suntanaa Soomaalinimo iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ku mannaysto, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa dhankiisa wuxuu yiri: "Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland, hadana ahaa senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka iyo dadkaba, isagoo ka mid ahaa aasaasayaaahii Puntland isla markaana xilal kala duwan soo qabtay.

Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inagasiiyo. Aamiin.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM