Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Image
Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee howlgalka ATALANTA ayaa lix nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah u wareejiyay Seychelles.

Eedeysaneyaashan ayaa lagu waddaa in dalkaas lagu maxkamadeyn doono iyaga oo loo haysto weerar burcad badeed ah oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

Markabka ayaa 10-kii bishii May lagu weeraray gacanka Cadmeed. Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa waa la iska caabiyay markii markabka la socday kooxda ilaalada ka ah ay rasaas ku jawaabeen.

Wareejinta maxaabiistan ayaa waxaa xaqiijiyay howlgalka ATALANTA Arbacadii. Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira, waxaana ay sugayaan maxkamad.

Tan iyo markii la aasaasay 2008-dii, EUNAVFOR ATALANTA waxaa 177 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo ku wareejisay hay'adaha awoodda u leh, taasoo keentay 145 xukun.

Hawlgalku wuxuu weli u heellan yahay inuu ka taageero Seychelles si ay u dacweeyaan kiiska ilaa inta ay ka dhacayso maxkamad wuxuu ku goodiyay in ay sii laba-jibaarayaan howlgalka.

Horaantii sanadkan 2024-ka, 35 looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa loo qaaday dalka Hindiya si loogu maxkamadeeyo afduubkii bartamihii bishii December lagu qafaashay markabka MV Ruen.

Markabkan ayaa waxaa sii daayay ciidamada badda Hindiya bishii March ka dib saddex bilood oo burcad badeed ah. Sikastaba ha ahaatee, soo rogaal celinta weerarada burcad-badeeda waxa ay abuureen cabsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM