Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Image
Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee howlgalka ATALANTA ayaa lix nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah u wareejiyay Seychelles.

Eedeysaneyaashan ayaa lagu waddaa in dalkaas lagu maxkamadeyn doono iyaga oo loo haysto weerar burcad badeed ah oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

Markabka ayaa 10-kii bishii May lagu weeraray gacanka Cadmeed. Si kastaba ha ahaatee, weerarka ayaa waa la iska caabiyay markii markabka la socday kooxda ilaalada ka ah ay rasaas ku jawaabeen.

Wareejinta maxaabiistan ayaa waxaa xaqiijiyay howlgalka ATALANTA Arbacadii. Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira, waxaana ay sugayaan maxkamad.

Tan iyo markii la aasaasay 2008-dii, EUNAVFOR ATALANTA waxaa 177 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo ku wareejisay hay'adaha awoodda u leh, taasoo keentay 145 xukun.

Hawlgalku wuxuu weli u heellan yahay inuu ka taageero Seychelles si ay u dacweeyaan kiiska ilaa inta ay ka dhacayso maxkamad wuxuu ku goodiyay in ay sii laba-jibaarayaan howlgalka.

Horaantii sanadkan 2024-ka, 35 looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa loo qaaday dalka Hindiya si loogu maxkamadeeyo afduubkii bartamihii bishii December lagu qafaashay markabka MV Ruen.

Markabkan ayaa waxaa sii daayay ciidamada badda Hindiya bishii March ka dib saddex bilood oo burcad badeed ah. Sikastaba ha ahaatee, soo rogaal celinta weerarada burcad-badeeda waxa ay abuureen cabsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM