Shabakada ugu ballaaran ee dakhli uruurinta AS oo xayiraad la saarey

Image
Ganacsatadan ayaa fadhigoodu yahay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa cunaqabateyn "ku soo rogay 16 hay’adood iyo shaqsiyaad qeyb ka ah shabakad ballaaran oo ka jirta Geeska Afrika, Imaaraadka iyo Qubrus kuwaas oo dhaqaale u uruuriya Al-Shabaab".

"Shakhsiyaadka ku jira shabakadan waxaa ka mid ah ganacsato saamayn ku leh gobolka oo taageero dhaqaale siiya al-Shabaab," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Washington.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in shabakadda Shaqsiyaadkan iyo Hay’adahan ay ku lug leeyihiin "uruurinta iyo dhaq-dhaqaaqa Malaayiin Doollar oo loo maro ganacsiyo dhowr ah oo ku saleysan danaha Al-Shabaab".

Mid ka mid ah shirkadahan ayaa saldhigeedu yahay Dubai, waxayna faracyo ay ku leedahay Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus "si ay u soo saaraan una marin-habaabiyaan dhaqaale badan".

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in talaabooyinka cunaqabateynta ay ka dhigan tahay in aan la adeegsan karin dhammaan hantida ay leeyihiin ama ku hoos duugan ganacstada shirkadahan.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay todobaadkii hore ku dhawaaqdey in ay xayirtey in ka badan hal milyan doolar taasoo loo waday maleyshiyadda Al-Shabaab balse ma bixin tafaasiil dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM