Shacab ku dhamaadey duqeyn ka dhacdey koonfurta Soomaaliya

Image
13 kale oo u badan hal qoys ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhowr madfac ayaa Arbacadii ku soo dhacay deegaanka Baalow ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday deegaanka Baalow kadib dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray halkaasi. Toban qof oo rayid ah ayaa ku dhintay.

13 kale oo u badan hal qoys ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa xaaladoodu aad u liidataa, waxaana la xaqiijiyay in labo ka mid ah dadkii dhaawacmay ay shalay galab ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Weerarkii Madaafiicda ahaa ee u dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale ay uga dhaceen deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoosyimaada, iyadoo duqeymo hore oo dhanka cirka ah ay geysteen dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM